Saxaafadda oo laga saaray kulanka madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Baarlamaanka ayaa goordhaweyd u furmay kulan albaabadu u xiran yihiin.

Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland ayaa saxaafadda iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay kulan ku wargeliyay in kulanku yahay mid gaara oo albaabadu u xiran yihiin.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay warbixin, is-xogwareysi iyo wada-tashi uu madaxweynuhu la qaadanayo Baarlamaanka, kaas oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.

Kulanka Baarlamaanka waxaa madaxweyne Deni ku weheliya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

PUNTLAND POST