Boosaaso (Faallo) — Mid ka mid ah doodaha ay soo jeediyeen xildhibaannada u doodaya Saadaq John waa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo eex sameeyay markuu cafis siiyay Cabdirashiid Janan oo gaboodfal loo haysto oo baxsad ah, halka uu weerar la damacsan yahay sarkaal uu xilka ka xayuubiyay. Waa dood adag.
Muqdisho waa magaalo uu amarka dowladdu ka socdo; magaalo ay kaabayaasheedu (dekedda iyo gegida diyaaradaha) ay dowladdu maamusho. Waa horumar uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay.
Maanta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid u baahan dareen ah in dalku naga dhexeeyo; in madaxdu ay la timaaddo mowqif dadka lagaga badbaadinayo inay dhibbaneyaal u noqdaan hanka siyaasiga.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay Telefishinka Shabelle in wadahadalku dastuuri yahay? Maxaa ka hortaagan in uu murrashixiinta ku martiqaado Madaxtooyada oo kala hadlo sida Soomaaliya looga ilaalin karo inay mar kale burbur siyaasadeed lugaha la gasho? Muddo kororsigu wuxuu sii murjiyay ismariwaaga siyaasadeed.
Wadahadal wuxuu horseedi karaa in meel dhexe la iskugu yimaado. Waa dhab in Baarlamaanku leeyahay awoodo dastuuri ah laakiin adeegsiga awoodahaas waxaa sal u ah heshiis siyaasadeed waayo dalkeennu waa dal heerkan ku soo gaaray heshiisyo siyaasadeed — waa sida dal leh dastuur aan qorneyn. Waa dal ku tiirsan yabooh shisheeye bixiyo.
Xaaladda siyaasdeed ee Soomaaliya waa mid xitaa dhaawici karta doodda dacwada badda: dal soo kabanaya oo ciidammo nabad-ilaalin ku tiirsani wuu ku sii wiiqmaa ismariwaa keeni kara kala irdhoobid siyaasadeed.
Madaxweyne Farmaajo waa inuu danta qaranka ka fekero oo uu siyaasiyiinta kale kala shaqeeyo samatabixinta Soomaaliya. Soomaaliya waa dal aan weli ka kaban burburkii 1991kii.
W.Q. Daahir Cali Aadan (Xaydar)