Garoowe (Faallada Puntland Post) — Sida la filayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu hortagayaa Barlamaanka Puntland. Lagama sugayo inuu sheego wax dadku wada og yahay oo ah fashilka wadahadallada iyo muddo kororsiga muranku ku gadaaman yahay. Puntland way ku guuleysatay in Beesha Caalamku eedda ismariwaaga dusha ka saarto Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in Beesha Caalamku madaxda Soomaaliya qaarkood u aqoonsato qaswadayaal: taasi waxay soo dedejinaysaa burburka dowladda iyo barlamaanka. Hadday taasi dhacdo waa suurtogal in Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, noqdo Madaxweynaha dalka gaarsiin doona doorasho la isku raacsan yahay.
Haddii ujeeddada Deni tahay dib u soo celinta kooxo hore loo soo tijaabiyay, ololihiisii wuxuu noqon doonaa hargo maran side, howlna kama tagin habaarna u dheer. Taariikhdu dadkay hagtaa. SSDF wuxuu ahaa ururkii ugu horreeyay ku baaqay dagaal ka dhan dowladdii militariga ka hor 1991kii. Isbeddelkii dhacay wuxuu si xun u saameeyay dadka maanta ku abtirsada siyaasad ahaan Puntland waayo ma lahayn jabhad u dhiganta USC, SPM iyo SNM.

Fashilka hay’adeed ee Dowladda Federaalku wuxuu soo ifbaxay markii Saadaq John tallaabo dhaafsiisan xil ka xayuubin laga qaadi waayay. Sidee Deni u arkaa in isbeddel dhab ah loogu sameeyo ciidammada uu ku tilmaamay kuwo dowladdu ku adeegato? Wax qarsoodi ah ma aha in weli ciidammadu u nugul yihiin weerarro kaga iman kara maleeshiyo beeleed. Eedda lama wada saari karo Muqdisho. Madaxweyne Faroole ayaa wadatashi la’aan dalka ku meelgaar ka saaray.
Haddii Deni kobciyo awoodda Puntland iskaga difaaci karto weerarro toos ah ama kuwo dadban oo dowladda federaalka kaga yimaada, wuxuu noqon doonaa hoggaamiye badbaadiyay aragtidii federaalka oo ku salaysan dowlad dhexe oo aan wiiqi karin maamul federaaleedyada, kheyraadkana ku soo koobin gobollo u dhowdhow Muqdisho. Sidoo kale haddii Madaxweyne Deni helo hab si toos ah Puntland wax loogu siiyo oo la mid ah habka Somaliland wax loo siiyo, wuxuu heli doonaa sumcad siyaasadeed.
Puntland xaq bay u leedahay in si gaar ah wax loo siiyo dib u habaynta amniga iyo u dhaqaaqidda dimuqraaddiyeynta awgood. Way jirtaa in Puntland tusaale maamul-daadejin noqon weyday goor hore. Dib u dhacani xaq uma siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay duudsiiso xaqa ismaamul oo salka u ah xasiloonnida siyaasadeed ee Puntland.
Haddii Beesha Caalamku ka gaabsato cunoqabatayn ay ku soo rogto madaxda Dowladda Federaalka, waxaa dhici karta in habkii laba-geesoodka (dual track) dib uu Maraykanku boorka uga jafo.
Waa in Madaxweyne Deni khudbaddiisu noqoto mid aan ku dheeraanin waxa dhacay. Waa inay noqoto mid iftiimisa isbeddelka Puntland doonayso inuu Soomaaliya ka dhaco iyo sida loo dhowri karo xuquuqda siyaasadeed iyo horumarineed ee Puntland.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.