Maraykanka oo mar kale baaris ku samaynaya weerarkii Manda Bay

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, ayaa amar ku bixiyay in mar kale baaritaan lagu sameeyo weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay saddex sarkaal oo Mareykan ah.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa lagu shaaciyay go’aanka xoghayaha difaaca, balse faahfaahin lagama bixin qaabka uu noqon doono baaritaanka cusub.

Dib-u-eegis madaxbannaan iyo qiimeeyn guud ayaa bixin doonta macluumaad iyo tusaalooyin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdan nadinta leh” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Baaritaankan waxaa loo xilsaaray inuu hoggaamiyo General Paul Funky oo ah Taliyaha guud ee tababarka ciidanka Mareykanka.

PUNTLAND POST