
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, ayaa maanta Gaalkacyo ku soo dhoweeyay askar ka soo jeeda Puntland, oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirada Maaliyadda iyo Amniga Puntland, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan, ayaa soo bandhigay askartan oo sida ay sheegeen ka tirsanaa Guutada Gorgor ee ay tababarto dowladda Turkiga.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in askartan ay faquuq kala kulmeen hoggaanka Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay uga soo baxeen Ciidanka.
Waxay sidoo kale tilmaameen in askartan dhalinyarada ah ay hadda kadib ka hawlgeli doonaan gudaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.