Taliye Saadiq Joon oo sheegay in uu joojiyay Kulankii Baarlamanka Soomaaliya

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen Saaddiq Cumar Xasan (Saadiq Joon), ayaa sheegay in uu joojiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Gen. Saadiq Joon oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan ciidamadu marna aqbali doonin in mudda kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna uu joojiyay kulankii Baarlamanka.

Taliyaha ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Rooble in uu la wareego mas’uuliyadda dalka, islamarkaana dhinacyada siyaasadda isku haya dib ugu celiyo Teendhada Afisyooni, si ay u sii socdaan shirarka lagu xallinayo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxu uga digay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe in uusan mar dambe ku hadlin war loo soo dhiibay taasina aan laga aqbali doonin inkastoo uusan xusin cidda warka soo dhiibtay.

PUNTLAND POST