
Shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuu Muqdisho ku tilmaamay meel beel kaliya ka hadli karto siyaasad ahaan. Maanta Saadaq John, taliyihii Booliska ee Banaadir wuxuu si dadban ugu hanjabay Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe, oo uu ku tilmaamay qof wax loo soo dhiibo. Saadaq wuxuu ku biiray dadka aan kala garanaynin faraqa u dhexeeya Muqdisho iyo qarannimada Soomaaliya.
Haddii mar uun dhulka lagu dhufto sumcadda caasimadeed ee Muqdisho, dalku wuxuu u nuglaanayaa afwaranle sida Saadaq ah. Saadaq wuxuu ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha inuu afgambiyo Madaxweynaha. Magaalo nabaddeedu halis geli haddii beeli cadhooto waa magaalo lumin karta inay martigeliso hay’adaha fulinta iyo xeerdejinta dalka.
Waxaan filayay in murrashaxiintu dhaliilaan hadalka Saadaq hase ahaatee waxaa ii caddaatay in dad cadaw ku ah maqaamka caasimadeed ee Muqdisho ay jiraan; waa dad inay booli sii haystaan raba; dad Soomaalida kala sii fogeyntooda dan u arka.
Waxaan rajaynayaa in Saadaq la soo xiro si sharciga loo horgeeyo waayo colaad beeleed dadban ayuu ku baaqay. In xilka laga qaado kuma filna. Waa inaynu aragno in sharcigu sarreeyo.
Waxaa Saadaq taagero u muujiyay Axmed Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug. Isagana waa mas’uul kala dambayn la’aan taageeray, mudan in lala xisaabtamo.
W.Q. Xuseen Sunad
You must be logged in to post a comment.