Midowga Murashixiinta oo si adag uga digay mudda kordhin loo sameeyo dowladda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya Ex. Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si adag uga digay in wakhtigan mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka.

 “Waxaan aaminsanahay in ay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid”ayuu yiri Shiikh Shariif.

Sidoo kale, wuxu sheegay in Soomaaliya aysan maanta qaadi karin mudda kordhin iyo boob-doorasho midna, marka loo eego dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, islamarkaana ay tahay in laga fekero cawaaqibka xun ee ka dhalan kara tallaabadaas.

Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho, dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, waa dal dowladnimadiisa weli ay curdan tahay, oo ubaahan in laga fikiro cawaaqibka xun ee ka dhalan kara talaabooyinka aan ka fiirsashada lahayn ee madaxdii hore ay ku dhaqaaqayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ex. Madaxweyne Shiikh Shariif, ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ku wargeliyay in hoggaanka dowladda Federaalka ee xilligan jira aan lala wadaagi doonin cawaaqib xuma kasta oo ka dhalata mudda kordhin wakhtigaan la sameeyo.

PUNTLAND POST