Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka federalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aamiyey in muddo 2 sano ah loogu daro golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jira.
Golaha ayaa u codeeyay in doorasho qof iyo cod dalka laga hirgeliyo laba sano kadib islamarkaana doorashadaas ay qabtaan guddigii madaxa banaanaa ee doorashooyinka Xaliima yarey, sida uu qorayo xeerka Barlamaanku meel mariyey.
Sharciga ayaa lagu faray xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dalka in ay arrimaha doorashada uga dambeeyaan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka.
149 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u codeeyay mudda kordhintan, waxaa diiday 3 xubnood, halka 1 mudane ka aamusay.
PUNTLAND POST