
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland, ayaa Magaaladda Qardho si rasmi ah ugga daah-furtay shirka isku-xirka heshiiskii Degmadda Isku-shuban kaas oo ahaa mid lagu xaliynayo shaqaaqo dhexmartay beelo walaalo ah bilawgii sanadkaan.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Axmed Kulan, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Jubba Cali Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabsicasiis Yuusuf Caamir, Duqa Degmadda Degmadda Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Isuduwaha Ururadda haweenka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Nadiifo Maxamed Saciid, Sheekh Axmed Yuusuf Daad iyo Odayaashii labada dhinac ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka.
Shirkaan oo socon-doona 3 casho ayaa noqonaya mid laysku-turxaan bixiyo, sidoo kalena lagu sii dhiraan-dhiriyo wadda-hadaladii kale ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaaladda Qardho, sidoo kale khubaro ka socota Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland, ayaa odayaasha ku tababari doona habka ka hortagga Colaada, sidda loo xalliyo khilaafyadda iyo arimaha kale ee la xiriira nabadaynta bulshadda.
Masuuliyiinta dawladda oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ka dawlad ahaan ay kaalintoodda kasoo qaateen sidii loo xalin lahaa shaqaaqadii bilawgii bisha January ka dhacday miyigga degmadda isku-shuban, haddana ay diyaar u yihiin sidii ay ugga qayb-qaadan lahaayeen dhamaystirka heshiiskii horay loo gaaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.