Maxkamadda sare ee waddanka Sacuudiga, ayaa ku baaqday in lagu dadaalo raadinta Bisha baraysan ee Ramadaan Galabnimada Axadda, oo ku beegan 29-ka Bisha Shacbaan.
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Sacuudiga, ayaa ku boorriyay dhammaan Muslimiinta ku sugan magaalada Makka, in ay Galabnimada Axadda raadiyaan bisha Ramadaan, islamarkaana qofkii arka uu la soo xiriiro xarunta ugu dhow.
“Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudigu, waxay ku boorrinaysa Muslimiinta ku dhaqan magaalada Makka iyo nawaaxigeeda in ay ku dadaalan Raadinta Bisha Ramadaan Galabnimada Axadda ee 29-ka Shacbaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Maxkamaddu waxay bayaamisay, in haddii Bisha la arki waayo Galabnimada Axadda ah oo ku abbaaran 29-ka Shacbaan, haddana la raadin doono Galabnimada Isniinta ah oo ku beegan 30-ka Shacbaan.
“ Haddii Bisha Ramadaan la arki waayo Galabnimada AXadda ah ee 29-ka Shacbaan, waa in haddana la raadiyaa Galabnimada Isniinta ah oo bishu ku buuxdo 30-ka Shacbaan) ayuu sii raaciyay Qoraalku.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.