
Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya, ahna ku simaha Taliyaha Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed( Kaniif) ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidan ka wada tirsan Ciidanka Booliiska iyo kuwa Milatariga oo ku sugan gobolka Galgaduud,Tababarka ayaa waxaa u ka socday Xerada Gen Dhaga-badan.
Tababarkaan oo ku saabsanaa, sidii looga aruuriyo walxaha qaraxa wadooyinka ay Shacabku isticmaalaan oo ay argagixisadu qaraxyo dhagar ah geliso.
Ciidankan ayaa loo diyaarinayay howlgalo looga nadiifinayo wadooyinka oo looga ilaalinayo haradiga walxaha laga cabsi qabo in ay sababan qaraxayo ay dad ku nafwayaan.
Waxaana bixinta tabarkaan oo qeyb ka ahaayeen, EU Training Mission (EUTM), EUCAP Xoogga Dalka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeediyada,iyadoo uu tababarku socday mudo dhan 42 Cisho ayaa maanta la soo gagabeeyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.