Wasiir Dubbe: Puntland iyo Jubaland ma rabaan in dalka doorasho ka dhacdo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ku eedeysay in aysan rabin in dalka ka dhacdo doorasho asaaskeedu yahay heshiiskii 17 September 2020 iyo is fahankii 16 February 2021.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri “Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii February.

“Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Dubbe.

Hoos ka daawo hadalka Wasiir Dubbe

PUNTLAND POST