Puntland iyo Jubaland oo beeniyay eedayn uga timid dowladda federaalka

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubaland, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa jawaab ka bixiyay war ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa in uu fashilmay shirkii Muqdisho.

Puntland iyo Jubaland, waxay beeniyeen eedaynta dowladda Federaalka oo la xariirtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen in dalku doorasho aado, islamarkaana ay fashiliyeen shirkii Muqdisho.

Wasiirada labada dowlad goboleed, waxay sheegeen in uusan fashilmin shirka, balse madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu awoodda wareejiyo, maadaama mudda-xileedkiisu dhammaaday.

Sidoo kale, waxay boor isku-qarin ku tilmaameen hadalka wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in Puntland iyo Jubaland fashiliyeen Shirka.

PUNTLAND POST