Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo xiray kiiskii Cabdirashiid Janan

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Soomaaliya ayaa xiray kiiskii dacwadda ahaa ee loo heystay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kaas oo dhowaan la heshiiyay dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Markii la  dhegaystay: talo soo jeedinta baaraha iyo Xeer-ilaaliyaha kiiska gacanta ku hayay iyo qodobada sharcigu ah ee ay cuskadeen talo soo jeedintooda la xiray kiiska Cabdirashiid Janan.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka jawaabeysay qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dowladda aya aqbashay dalabka Xeer ilaalinta Qaranka oo ah xiritaanka kiiskii Cabdirashiid Janan.

PUNTLAND POST