Shirkii Muqdisho oo maanta baaqday

Shirkii madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo mar kale loo ballansanaa ayaa maanta baaqday, sida ay ku warrantay wakaaladda Wararka SONNA.

Shirka ayaa u baaqday sababa la xiriira madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo weli ku maqan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo safar kooban ugu laabtay.

Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in shirka uu dib u bilaaban doono maalinta berriya, kadib markii madaxweyne Qoor Qoor ka soo noqdo safarka magaalada Dhuusamareeb.

Shirka oo ay cadaadis xooggan saarayso Beesha Caalamku, ayaa la doonayaa in lagu diyaariyo ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST