Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday askartii ku dhaawacmay Awdheegle

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isbitaalka ku booqday askartii ku dhaawacantay dagaalkii Bariire iyo Awdheegle.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mid-mid u dul istaagay askarta dhaawacantay waxaana Alle uga baryay in ay ka bogsadaan dhaawacyada soo gaaray.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidamada Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdu hiil iyo hooba la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan.

PUNTLAND POST