Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia, in ay dano dhaqaale ilaashanayaan.
Madaxweyne hore Faroole, wuxuu sheegay in dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ay yihiin kuwa dhulkooda inta badan la haysto, islamarkaana aan dakhli ku filan heli karin, sidaas darteedna ay u taageersan yihiin dowladda Federaalka.
“ Saddex maamul goboleed waa niman dhulkooda inta badan la haysto, magaalooyinka ku hareeraysan waardiye laga hayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in saddexdaas maamul goboleed aysan cidna cudur-daar uga helayn in ay taageeraan nidaam Federaal-diid ah, maadaama iyagu ku dhisan yihiin hannaanka Federaalka dalka.
PUNTLAND POST