Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay odayaal 64 jir iyo 78 sano jir ah

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay xukun dil ah ku fuliyeen laba nin oo odayaal ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen saaxiriin.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa daabacday in labada oday lagu toogtay fagaare ku yaalla degaanka Buulo-fallaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Maxkamadda Al-shabaab oo xukunka ridday, ayaa shaacisay magacyada iyo da’da odayaasha la toogtay, inkastoo aysan sawiradooda baahin.

Labada nin waxay kala ahaayeen Xasanow Caliyow Maxamed oo da’diisu tahay 64-sano jir  iyo Cabdi Ibraahim Sheekh oo da’diisa lagu sheegay  78-sano jir sida laga soo xigtay maxkamadda Al-shabaab.

PUNTLAND POST