Dr Gaboose oo ka fariistay dhakhtarnimadii iyo siyaasadda


Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka fariistay shaqadii dhakhtarnimo iyo siyaasadda oo uu labadaba muddo dheer ku soo jiray.

Dr Gaboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in uu hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doono hawlaha samafalka, diinta iyo ka warqabka caruurta.

Gaboose ayaa in ka badan 40 sano kamid ahaa dhakhaatiirta ugu fiican Soomaalida ee dhinaca neerfaha, isla muddadaasna siyaasadda ayuu ku jiray oo xilal ka soo qabtay dowladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre iyo Somaliland.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Dr Gaboose

PUNTLAND POST