
Ciidamada gaarka ah Puntland PSF iyo dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa maanta dagaal ku dhexmaray meel u dhow degmada Balidhidhin ee gobolka Bari.
Dadka degaanka ayaa soo weriyay in muddo saacado ah maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo dagaalka la isu adeegsanayay, kaas oo ka dhacay dhul buuraley ah oo15km dhanka galbeed ka xiga magaalada Balidhidhin.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn.
Dadka degaanka oo u badan xijiyeysato iyo xoolo dhaqato ayaa isaga cararay aaga dagaalku ka dhacay.
Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka ka dhacay aaga Balidhidhin.
Puntland iyo Daacish ayaa tan iyo 2016 dagaalo kala duwan ku dhexmareen buuraleyda Cal-miskaat ee bariga fog gobalka Bari, waxaana mararka qaar dhibaato ka soo gaartaan dadka rayidka ah ee ku nool degaannadaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.