Ciidamada Turkiga oo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibeyaal ah

 Ciidamda Ilaalada xeebaha  ee dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyay 231 qof oo tahriibe kuwaas oo ay dowladda Giriiggu dib usoo celisay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidmada ilaalada xeebaha Giriiggu ay qasab kusoo celiyeen doomihii ay wateen tahriibayaasha oo doonayay in ay galaan qaaradda Yurub.

Turkigu waxey intaas ku dareen in dadkii lasoo badbaadiyay la geeyay goobaha loogu tala galay tahriibayaalka.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga ayaa hore u sheegay in dowladda Giriiggu xoog kusoo celisay seddexdii sano ee lasoo dhaafay in kabadan 80,000 oo qof kuwaas oo doonayay inay galaan wadamada Yurub.

PUNTLAND POST