Booliiska Gobolka Bari oo Boosaaso ku qabtay Burcad dhac iyo dhaawac gaystay

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa ku guleestay in ay gacanyta ku soo dhigaan dadkii dhaca iyo dhaawaca u geestay qof shacab ah magalada Bosaaso kadib markii garigaas ay ula baxsadeen duleedka Magaalada,

Tan iyo markii lagu soo wargaliyay Booliska Gobalka waxay bilaabeen howlagalo lagu raadinaayo kuwa dhaca u geestay qofka shacabka ah oo ku shaqesanayay gariga loyaqaan (Probox)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la soo dhacay oo ahaa nooca Probox, NO1482 kana diwaan gashana Dowlada Hoose Bosaaso iyo waliba Ciidmaada ay gacanta ku soo dhigeen labo dhalinyaro kuwaas oo hada gacanta ugu jira lamaha amaanka Gobalka Bari.

Goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska waxaa goob joog ka ahaa ehelada wiilka gaariga laga dhacay islamarkana ay dhaawaca xabada ay u geesteen kuwa falkaas sameeyay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa taasna ay tahay astaanta ay ciidamada u taagan yihiin.

PUNTLAND POST