Askari ku dhintay weerar ka dhacay Aqalka Baarlamanka Maraykanka

Weerar ka dhacay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee US Capital ayaa uu ku dhintay hal askari, halka uu midkalena ku dhaawacmay.

Gaari ayaa ku dhacay xayndaabka amniga ka hor inta uusan darawalkii toorrey la soo aadin, dhankii ay ka xigeen askarta ilaalada ah , sida ay Booliisku shaaciyeen.

Booliskii goobta joogay ayaa waxay ku fureen rasaas, halkaas oo ay ku toogteen ninkii la tuhunsanaa.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in weerarkan uu dhacayo saddex bilood uun kaddib rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Capitol bishii Janaayo, uusan ahaynna mid la xiriira argagaxiso.

PUNTLAND POST