Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay Tobaneeyo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen saaka ku qalibmay Bariga Jesiiradda Taiwan.
Wasaaradda Gaadiidka ee Jesiiradaasi waxay kaloo sheegeen in ay ugu yaraan 72 qof ku dhaawacmeen Shilkaasi, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada.
Tareenka ayaa la sheegay inuu ku qalibmay Hul (A tunnel) ay Tareenada maraan, iyadoo wararku sheegayaan inay Tareenka la socdeen tiro badan oo Rakaab oo ka badnaa xadkii loogu tala-galay.
Baaritaan hordhac ayaa muujinaya in labo ilaa 3 Rimoorka Tareenka ay ka baxeen Khadka Tareenka, kadibna ay ku dhaceen Derbiga.
PUNTLAND POST