Puntland oo sheegtay in Beesha Caalamku qaban-qaabisay Shirka Sabtida

Xukuumadda Puntland ayaa soo dhowaysay, dadaalka Beesha Caalamka ee ku jihaysan xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamku qaban-qaabisay in Sabtida la isu’gu yimaado shir hordhac u ah Shirka guud ee Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Shirka Sabtida oo dhexmari doona Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ujeedkiisu yahay sidii Is-afgarad looga gaari lahaa Ajandaha shirka guud.

PUNTLAND POST