
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dishay nabaddoon caan ka ahaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood, wuxuuna isla goobta ugu geeriyooday rasaastuu lagu furay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah
Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka ka dhacay ee bartamaha Beled-Xaawo, xiligaasi oo nabaddoonka uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukuday salaadii cishaha.
Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee laf-dhabarka u ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.