Farmaajo oo markii shanaad shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii shanaad shir isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacaya Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu mar kale shir isugu yeeray madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir maalinta Sabtida 3-da April 202.

Shirkaas ayuu sheegay wasiir Dubbe in looga wadahadlayo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 (Muqdisho) iyo 16 Febraayo 2021(Baydhabo).

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii Sep. 2020 iyo 16 Feb 2021”. ayuu yiri wasiir Dubbe.

Lama oga in shirkan ay aqbali doonaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo shuruudo ku xiray shirarkii hore ee fashilmay.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar gooni gooni ah la qaadatay madaxda Soomaaliya, si xal looga gaaro doorashada khilaafku ka taagan yahay.

PUNTLAND POST