Puntland: Maxkamad Ciidan oo waaran u jartay Agaasime ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Golis

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee dowladda Puntland, ayaa waaran u jartay Agaasimaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee Gobolka Mudug.

Amar ka soo baxay Maxkamadda, ayaa lagu faray Agaasimaha Shirkadda Golis ee Gaalkacyo, in uu yimaado xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn.

Agaasimaha oo aan magaciisa la xusin, waxa lagu wargeliyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono,  haddii uusan Maxkamadda hor imaan taariikhda 1 April 2021, taas oo ku beegan Khamiista maanta ah.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Mu’min Cabdi Shire, ayaa sidoo kale lagu amray in uu Agaasimaha xabsiga dhigo, haddii uu Maxkamadda ku imaan waayo wakhtiga loo qabtay.

Waxa xusid mudan, in maanta Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay xireen dhammaan xarumaha Shirkadda Golis ku leedahay Gaalkacyo, kadib markii shirkaddu u hoggaansami wayday Amarka Maxkamadda.

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa Shirkadda Golis ku eedeeyay  in ay diidday fududaynta macluumaad ku saabsan dad lagu tuhmayo in ay Amni-darro ka wadeen Gobolka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST