In ka badan 160 Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Liibiya

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 163 tahriibe oo kusii jeeday qaaradda Yurub.

Taliyaha ilaalada xeeabaha Liibiya ayaa sheegay inay ku guulesteen soo badbaadinta dadkaan tahriibayay oo watay laba doonyood.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka lasoo badbaadiyay kasoo jeedaan wadamada Afrikaanka ah, inakasta uusan xusin magacyada dalalkaas.

Dalka Liibiya ayaa noqday sanadihii ugu danbeeyay dariiqa inta badan ay maraan tahriibayaalka doonaya inay galaan  qaaradda Yurub.

PUNTLAND POST