Puntland iyo Jubaland oo shaaciyay in Villa Somalia fashilisay qabsoomidda Shirkii Arrimaha Doorashooyinka

Dhammaan dadaalladii ku jihaysanaa qabsoomidda Shirka Arrimaha Doorashooyinka ayaa fashilmay, sida ay Galabta shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Puntland iyo Jubaland, ayay ku sheegeen in Madaxda mudda-xileedkoodu dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si cad u xagal-daaciyeen qabsoomidda Shirka, islamarkaana ay fashiliyeen dhammaan dadaalladii socday, si looga heshiiyo Khilaafka Doorashooyinka.

Puntland iyo Jubaland, waxay sidoo kale tilmaameen in shirar mudda saddex maalmood ah u socday Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, aysan suurta-gelin in wax natiijo ah laga gaaro, si loo qabto Shirka guud ee Arrimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay caddeeyeen in ay diyaar u yihiin ka qayb-galka Shirka, haddii loo marayo tub la isla-ogolyahay, oo ku salaysan Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020.

Halkaan ka khriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST