Kulankii Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa furmay, xilli ay jirtay hadal-hayn ku saabsan in mudda kordhin loo samaynayo dowladda.
Guddoomiye Mursal oo hadal ka jeediyay Kulanka, ayaan soo hadal qaadin wax muddo kororsi, inkastoo uu shakigaasi ku jiray siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda.
Baarlamaanka ayaa warbixin ku saabsan xanuunka Covid-19 ka dhegeystay wasiirka caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur. Sidoo kale waxa kulanka lagu ansixiyay xubno ka tirsan Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha
Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaan ka soo qeybgalin maanta 15 xildhibaan oo ganaax la dul dhigey iyadoo laga celiyay inta aysan soo gaarin xarunta baarlamaanka.
PUNTLAND POST