Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo nin dalka xoog ku haysta.
Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxu ku baaqay in lala dagaallamo oo awood ciidan xilka looga xayuubiyo madaxweynaha, islamarkaana aan hadal dambe la isaga lumin ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka.
“Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.
Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Mr Farmaajo Raggii doorashada kula tartami lahaa uu weeraray 19 February, halka Raggii taladu ka dhexaysana ay naftood ku aamini waayeen oo Xalane ku dageen.
“Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen.” Ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST