Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu yeesho kulan xasaasi ah.
Farriin xalay loo diray xildhibaannada, ayaa loogu sheegay in uu jiro Kulanka Baarlamanka, islamarkaana looga hadli doono saddex ajande oo muhiim ah.
Ajandayaasha waxa kamid ah Covid-19, u codaynta laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo sidoo kale u codaynta sharciga Qaxootiga.
Kulanka ayaa shaki xooggan laga qabo, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in mudda kordhin loo samaynayo Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha badbaado Qaranka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubaland,Puntland,Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ayaa ka digey in baarlamaanku uu muddo kordhin u sameeyo dowladda.
Waxa xusid mudan, in ay jiraan 15 xildhibaan oo kulamada Baarlamanka laga joojiyay, balse saaka ku adkaysanaya in ay xaadiri doonaan kulankan.
PUNTLAND POST