
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ugu baaqday in ay ku soo biiraan shirka arrimaha doorashada ee xarunta Afisyoone.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran”.

Beesha Caalamka ayaa maanta kulan la qaadatay Ra’iisul Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan qaar kamid xukuumaddiisa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.
“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble
Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan.
Madaxda Soomaaliya ayaa weli isku fahmi la’ arrimaha doorashada, muran iyo khilaaf horleh ayaana hareeyay shirar gaar-gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.