
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Aadan ay ka wadahadleen arrimaha doorashada Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa ku dadaalaysa sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga ka tagaan doorashada Soomaaliya oo dib u dhacsan.
Madaxda Soomaaliya ayaa weli isku fahmi la’ arrimaha doorashada, muran iyo khilaaf horleh ayaana hareeyay shirar gaar-gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.