Hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubaydah ayaa hanjabaad culus u jeediyey danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.
Abu Cubaydah ayaa hadal ay daabaceen warbaahinta Al-Shabaab ku jeediyey hanjabaad ah weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Faransiiska ee dalka Jabuuti.
Hadalkiisan ayaa yimid iyadoo Jabuuti ay 9-ka bisha Abril isku diyaarinayso doorashooyinka madaxweyne.
Jabuuti weli kama aysan jawaabin hanjabaaddan ka timid Al-Shabaab. Jabuuti waxay ka mid tahay waddamada ciidanka usoo diray Soomaaliya.
PUNTLAND POST