Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa 15 xildhibaan ka joojiyay ka qeybgalka 5 fadhi.
Warqad uu soo saaray guddoomiye Mursal ayaa lagu sheegay in mudanayaashan ay horjoogsi ku sameeyeen fadhigii shalay qabsoomi waayay.
Xildhibaanada laga joojiyay ka qeybgalka 5 fadhi ee soo socota ayaa horay u sheegay in kulanka looga hadlayo Covid-19 ay ku hoos qarsoon tahay muddo kororsi loo sameeyo dowladda.
Kulankii ay shalay isugu yimaadeen Golaha Shacabka ayaa lagu kala dareeray kadib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga.
Hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada fadhiyada laga joojiyay
- Xil. Cilmi Maxmed Nuur
- Xil. Xuseen Qaasim Yuusuf Iidow
- Xil. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
- Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur
- Xil. Mahad Maxamed Salaad
- Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed
- Xil. Maxamuud Cabdiraxmaam Beene Beene
- Xil. Maxamd Cali Cumar
- Xil. Faysal Cabdulle Guuleed
- Xil. Cabdullaahi Yuusuf Xasan
- Xil. Cabdirishiid Maxamed Xidig
- Xil. Jibriil Cabdirashiid Xaaji
- Xil. Maxamed Axmed Abtidoon
- Xil. Sadiiq Xirsi Warfaa
- Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.