
Cabdirashiid Maxamed Xiddig, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa markii u horraysay ka hadlay go’aanka isaga iyo xildhibaanno kale looga joojiyay shan kulan oo kamid ah fadhiyada Baarlamanka.
Xildhibaanka oo kamid ah 15 mudane oo laga joojiyay kulmada Golaha, ayaa sheegay in ay kulan qabsanayaan, islamarkaana ay dooranayaan Guddoon kale oo hoggaamiya Golaha shacabka.
“Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaamka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa.”ayuu yiri Xiddig
Xildhibaan ayaa sheegay in aysan jirin wax laga mamnuucay, laakiin ay arkeen warqadda soo baxday oo keliya,haddii uu Guddoonka ku adkeysto go’aankaasi uu baarlamaanka xirmayo.
“Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Fadhigii Baarlamanka ee shalay oo buuq iyo sawaxan hareeyay kadib, ayaa Guddoonku xalay sheegay in 15 xildhibaan laga joojiyay fadhiyada Golaha shan kulan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.