
Xildhibaannadii laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo guddoomiye Mursal u cuskaday go’aanka kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro go’aankaas.
Xildhibaannada ayaa guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xadgudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka xarunta Golaha ka mamnuucaya in lala soo galo hub.
Waxay sheegeen in shalay ciidamo uu hoggaminayay sarkaal horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oo magaciisa ay ku sheegeen Shakiib, ku sugnaayeen xarunta baarlamaanka, kuwaas oo ay tilmaameen in loogu talagay in lagu handado xildhibaannada.
Sidoo kale waxaa sheegeeen in maanta ay soo gaartay farriin loo soo diray xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan kulanka berri wixii dhibaato ah ee soo gaara xildhibaannadana uu mas’uul ka noqon doono guddoomiye Mursal.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.