Ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa mudda todobaad ku dhow isbaaro u taal laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.
Cutubyo ka tirsan ciidanka gadoodsan, oo ka cabanaya xuquuq iyo mushahar ka maqan ,ayaa u diiday mas’uuliyiinta Puntland in ay isticmaalaan Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaanna nawaaxiga degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug.
Saraakiisha Ciidanka ayaa Puntland Post u sheegay in aysan halkaas ka tegi doonin inta laga siinayo xuquuqda ka maqan, islamarkaana aysan mas’uuliyiinta dowladda u ogolaan doonin isticmaalka Laamiga.
Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in ay is hor-taag ku sameeyeen Wasiirk Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, balse safarkiisa uga baaqday xirnaanta Laamiga.
PUNTLAND POST