Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo buuq la furmi waayay

Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga.

Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19.

Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qariyo kulanka.

Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq sida laga arkayay shaashadaha telefishannada.

PUNTLAND POST