Laba garab oo ka tirsan kooxda Daacish, ayaa Jimcihii ku dagaallamay buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Amniga ah.
In ka badan lix xubnood oo ka tirsan labada garab ee Daacish, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas oo duhurnimadii shalay ka dhacay dhul buuraley ah qiyaastii 40KM u jirta degaanka Dhaadaar.
Loollan adag uu ku salaysan dhanka awoodda ayaa ka dhex aloosan malayshiyaadka, oo u kala jabay laba garab, islamarkaana ku muransan cidda beddeli doonta hoggaamiyaha Kooxda Cabdulqaadir Mu’min, kaas oo la il-daran xanuunka loo yaqaan Macaanka.
Loollanka iyo khilaafka soo jiitamayay ee sannadihii u dambeeyay ka dhex jiray Daacish ayaa sababay dagaallo kala duwan oo labada garab ee kooxda ku dhexmaray buuraleyda Calmiskaad.
PUNTLAND POST