Puntland Kama Go’i Karto Soomaaliya – Faallo

W.Q. Liibaan A. Axmad

Xasan Shire, Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in Puntland ka go’i karto Soomaaliya haddii habka federaalka la hirgalin waayo. Dhowr sababood awgood Puntland kagama go’i karto Soomaaliya. 1- Soomaaliya waa dal midnimadiisa dhuleed iyo siyaasadeed ay sharci tahay. Qofka qeyb ka mid ah Soomaaliya ku tilmaama dal kale waa qof yiri “Soomaaliya ma jirto.” 2- Habka federaalka Xasan Shire u qareemayo kama jiro Puntland.

Puntland waxay u xuubsiibatay goofaf siyaasadeed madaxdeedu noqdeen kuwo aan lala xisaabtami karin. Eeg xaaladda Dekedda Boosaaso oo si fudud loogu wareejiyay DP World, tallaabo horseedday in kaabayaasha lagu dhisay canshuur Soomaalida laga ururiyay loo beddelo hanti beeluhu heshiis kula geli karaan shirkado shisheeye. Halkee ku dambeeyeen mashruucyadii waddada Eyl iyo Garoowe lagu hagaajin lahaa oo deked kalluumaysi lagaga sameyn lahaa Eyl? Markii ugu dambaysay Soomaalidu heshiisyo iyagoo beelo ah ay la saxiixdeen dalal waaweyn natiijadu waxay noqotay in dhul Soomaali deggen tahay lagu wareejiyo Xabashida. Mililiq (Menelik) iyo Xayle Salaase qarannimo (sovereignty) ayay cuskanayeen, waa sababta Soomaalidu u noqotay dadka keliya uu talis gumeyste ahaa ku wareejiyay gumeyste gibir qaada.

Dad badan baa jira aan jeclayn in Soomaalidu lumiso qarannimadeeda hase ahaatee aan ka baaraandegin biyodhaca doodahooda qaarkood. Midnimada Soomaaliyeed wax lagu beddelan karo ma jirto. Waa tiirka qarannimada. Maxamed Ciise Turunji wuxuu ku qoray buugga Somalia: The Untold History 1941-1969 in Muuse Boqor, oo Wasiir ka ahaa dowladdii gobanimo-gaarsiinta, uu ka hor yimid Cabdullaahi Ciise, oo Ra’iisal Wasaare u ahaa dowladdii ‘daakhiliyada’. Muuse Boqor abaabul ayuu sameeyay isagoo ku eedeeyay Cabdullaahi Ciise maamuldarro iyo eex. Xaaji Diiriye ayaa tiriyay waxqabadyadii SYL ka fulisay gobollo Mudug iyo Bari ka mid yihiin. “Kama hor imanayno Ra’iisal Wasaaraha iyo SYL” ayuu Xaaji Diiriye u sheegay Muuse Boqor. Halkaas waxaa ku soo gabogaboobay abaabulkii siyaasadeed uu Muuse Boqor ku kicinayay beeshiisa. Casharka ugu weyn ku jira jawaabta Xaaji Diiriye bixiyay waa in ismaandhaaf siyaasadeed aan loo beddelin go’aammo Soomaalida kala sii fogeyn kara.

Oday Soomaaliyeed oo ka qeybgalay shir dhowr toddobaad ka hor ka dhacay Gaalkacyo wuxuu yiri “waqtiga ayaa dadkiisa wata.” Tan iyo 2014tii madaxda Puntland soo martay aad bay uga awood-badnaayeen kuwii ka horreeyay. Dabaqad siyaasadeed ka hantiyaysatay qasnadda dowladda ayaa xoogeysatay. Waa dabaqadda waxa ay lunsadaan saamiyo shirkadeed u beddela. Sideedana dhaqaale ma kobco haddii lacagta sida fudud loo helay ay suuqa ku badato. Himilooyinkii horusocdnimada — iscafinta iyo nabad ku wada noolaanshaha — ka dhigay Puntland meel maamul barakacayaal ay dhiseen wuxuu maanta leeyahay tilmaamaha maamul ay qowlaysato ku adeegato.

Hadalka Wasiir Xasan Shire saameyntiisu kama yara hadalkii Ururkii Maxkamaduhu ku qaateen go’aammo lid ku ah qarannimada Soomaaliya 2006kii kuna abureen isbahaysi caalami ah oo Soomaaliya u arka meel argagixiso degtay burburkii dowladnimada Soomaaliya awgiis. Sidoo kale hadalkiisu kama saamayn yara himilooyinkii ururkii Al Itixaad oo Boosaso maamulayay 1991-1992kii. Ummadi ma jiri karto qarannimo la’aan. Waa in Soomaalidu ka hortagto caadiyeynta doodaha taageeraya baabbi’inta qarannimada Soomaaliya. May aha doodo kaftan gala ama lagu boolaxoofteeyo.

Liibaan A. Axmad

Libahm@gmail.com