Nabaddoon Abshir Cali Halow, oo kamid ah Nabaddoonada Gobolka Nugaal, ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto Laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, kaas oo ka burbursan nawaaxiga Tuulada Sinujiif ee Caasimadda Garoowe.
Nabaddoonka oo hadal kooban ka jeediyay Kulan shalay ka dhacay duleedka Garoowe, ayaa Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ganacsatada Gobolka ku boorriyay, in aysan sii fiirsan Laamiga burbursan oo qarka u saaran in uu gebi ahaanba go’o.
Laamiga ayaa ka dunsan aga’gaarka buundada Midigar, waxaana go’an hal seed, kadib markii ay waxyeello daran gaarsiiyeen daadad sannadihii la soo dhaafay ku fatahay dooxadaas.
Gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadada, ayaa cabasho xooggan ka muujinaya burburka Laamiga, oo mararka qaarkood ay ka dhacaan shilal dhimasho iyo dhaawac sababa.
Hoos ka daawo Hadalka Nabaddoonka
PUNTLAND POST