Wasiir Jamaal: Waa in Deni si toos ah loola xisaabtamo

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii u horraysay war ka soo saaray bannaanbax shalay ka dhacay degmada Dhahar ee Haylaan.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hubka culus iyo rasaas nool-nool u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool.

Mr Jamaal, ayaa sheegay in ay waajibtahay in madaxweyne Deni is toos ah loogula xisaabtamo falkan, waxaase xusid mudan in Puntland ay beenisay warka ku saabsan in xabbad loo adeegsaday shacabka Dhahar.

PUNTLAND POST