Jubaland oo gacanta ku dhigtay madaxii macluumaadka u qaabilsanaa Al-shabaab

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay madaxii macluumaadka Al-shabaab u qaabilsanaa aagga Kismaayo.

Telefishinka dowlad goboleedka ee (Jubaland TV) ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay Ugaas Aaden Maxamed (Dhakalow) kadib hawlgal qorshaysan oo Nabad-sugidda Jubaland ka sameeyeen degaanka Gosha ee nawaaxiga Kismaayo.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deeganada Gosha ku soo qabtay madaxii Macluumaadka Jabhada Shabaab ee aaga Kismaayo Ugaas Aadan Mohamed (Dhakalow).”

PUNTLAND POST