Axmed Karaash oo ku wajahan waddanka Imaraatiga Carbeed

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweyne ku xigeenka, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Qoyskiisa, ayaa sida qorshaysan goor dhow ka dhoofi doona garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, waxaana safarkiisa lagu sheegay mid gaar ah oo aan siyaasad la xiriirin.

PUNTLAND POST