Puntland oo xustay maalinta qaaxada iyo Caluula oo sanadkan yeelan doonta xarun qaaxo

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta qaaxada adduunka (World TB Day). Halkudhiga sanadkan waxa uu ahaa “Saacadu waxay qaraacaysaa wakhtigii cirib tirka cudurka qaaxada.”

Agaasimaha guud wasaaradda Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo madaxa la dagaalanka qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Xasan waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda hay’adaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Puntland.

Munaasabada waxaa ka hadlay Dr Cali Xasan, madaxa la dagaalanka qaaxada wasaarada caafimaadka Puntland wuxuuna yiri “Waxaan idinka mahadcelinayaa ka soo qaybgalka xafladan aan ku xusayno maalinta qaaxada adduunka oo ah maalin wacyigalin la sameeyo la isna xasuusiyo sanadkii la soo dhaafay waxa qabsoomay iyo halka la tiigsamayo.”

“Puntland oo ay ku yaalaan 15 xarumood oo si bilaash ah loogu baaro looguna daweeyo dadweynaha iskaga shakiya ama laga helo xanuunkan, sanadkasta waxaa xarumaha lagu daweeyaa in ku dhaw 2,000 qof, waxaa sidoo kale idin la wadaagayaa inaan xarun cusub sanadkan ka furayno degmada Caluula ee gobolka Gardafuu, kaasoo meel fog oo muhiim u ah Puntland ku yaala.”

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasbada madaxda hay’addaha World Vision Puntland iyo Mercy USA Cali Salaad iyo Maxamuud Yuusuf oo sheegay in ay sii wadayaan taageerida mashruuca la dagaalanka qaaxada ee ay wasaaradda kala shaqeeyaan, waxayna amaaneen sida wanaagsan ee ay shaqada ugu wadaan Dr Cali Xasan iyo shaqaalaha la shaqeeya.

Ugu danbayn munaasabada waxaa soo xiray Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan waxaana uu yiri “ Waxaan soo dhawaynayaa inaan maanta ka soo qaybgalo maalintaan muhiimka ah oo lagu xusayo maalinta qaaxada adduunka .”World TB Day” sanadkasta maanta oo kale laga qabto, wasaaradda caafimaadka Puntland waxay u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta qaybta qaaxada ee wasaaradda, shaqaalaha xarumaha qaaxada ee Puntland iyo hay’addaha kala shaqeeya wasaaradda.”

“Wasaaradda caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 15 xarumood oo ku kala yaala gobolada Puntland, kuwaas bixiya adeeg baaritaan iyo mid daweyn oo si bilaash ah loo siiyo dadweynaha booqda,waxaa sidoo kale wasaaradda caafimaadka oo ka duulaysa qorshaheeda ah adeega loo dhaweeyo lana gaarsiiyo dadka meel kasta oo ay uga baahanyihiin si gaar ah meelaha laamiga ka baxsan sanadkana laga furi doonaa xaruntii 16aad degmada Caluula ee gobolka Gardafuu iyadoo horayna uu uga furnaa Bargaal.”



PUNTLAND POST