Norway oo dowladda Soomaaliya ku amartay in ay xukunka si dhakhso ah u wareejiso

Dowladda Norway ayaa walaac xooggan ka muujisay khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka.

Qoraal xalay ka soo baxay dowladda Norway, ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay hoggaamiyaal siyaasadeed oo dhiirran, kuwaas oo khilaafkooda ka heshiin kara, si loo qabto doorashada.

Dowladda Norway waxay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku tilmaantay, kuwa aan lahayn rabitaan siysaaseed oo ku jihaysan in la xalliyo muranka Arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah xaqiijinta inay xukunka si dhaqse ah ku w”reejiso” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Digniinta dowladda Norway ayaa ku soo aaday, xilli weli aysan hoggaamiyaasha Soomaaliya xal ka gaarin muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka Baarlamanka iyo madaxweynaha dalka.

PUNTLAND POST